Daawo Wareysi Prof Xasan Sheekh Cali Nuur : – Ethiopia waxay Afduubtay oo ay la wareegtay Hogaankii Dawlada Federaalka Somaaliyeed

Prof Xasan Sheekh Cali Nuur oo Bare ka ah Jaamacada Umadda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay isagoo u waramaaya Televisionka SAAB ee fadhigiisu yahay magaalada Jabuuti in faragalinta Ethiopia ee arimaha gudaha Somaaliya ay maanta mareyso meeshii ugu xumeyd marka dib loo raaco taariikhda Soomaaliya.

Prof Xasan ayaa ka dhawaajiyey in waagii hore lagu xaman kiray Siyaasiyiinta Somaalida midkii Xukun doon ah ama Mucaarid ahi inuu taageero u raadsado Dawlada Ethiopia,lakiin maanta waxaa ceeb ah in Nin Madaxweyne ah oo taladii Wadanka loo doortay uu isku dhiibo, oo uu hoos fadhiisto Dawlada Ethiopia isagoo aaminsan in ay Kursiga ku ilaalin karaan.

Prof Xasan Sherkh Cali Nuur ayaa intaas ku daray haddii Dawlada Ethiopia shalay ciyaarada ka wadi jireen hereeraha iyo maamul goboleedada,maanta waxay Afduubeen oo la wareegeen, si toos ahna ugu taliyaan hogaankii sare Dawalda Federaalka Somaaliya.

Halkan ka dhageyso Wareysiga SAAB TV la yeeshay Prof Xasan Sheekh Cali Nuur

<