Daawo : – Ugaas Cabdiweli Ukun oo raalin galin ka bixiyey Warar been abuur ah oo laga fidiyey Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur

Ugaas Cabdiweli Ukun oo ka mid ah Isimada dhaqanka ee Puntland ayaa raalin gelin buuxda u gudbiyey Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warasame oo Ugaasku sheegay in beentii iyo Probogaankii laga fidiyey Siyaasigaas uu ka mid ahaa Shacbigii Somaaliyeed ee lagu dhagaray ee rumeystay.

Ugaas Cabdiweli Ukun oo ka hadlaayey Xaflad lagu soo dhaweynaayey Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir oo ka dhacday dalka Jarmalka ayuu Ugaasku ka sheegay in Beentii iyo magac-dilkii lagu sameeyey Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee aheyd Badda Somaaliyeed buu gatay ay aheyd dulmi iyo xadgub,lakiin Ilaahay amarkiis Beentaas waxaa kashifay Xeer Ilaaliyihii Qaran Mudane Axmed Cali Daahir oo Televisionka Qaranka ka sheegay in ay aheyd Been abuur eedaa lagu nabay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Bulshada Somaaliyeed ayaa lagu tilmaama Bulsho u nugul oo rumaysta been abuurka abaabulan ee Kooxaha dhagarqabayaasha iyo Caadaqaatayaasha ahi ay ku beegsanayaan kuna magac-dilayaan Shakhsiyaadka iyo Siyaasiyiinta Somaaliyeed ee u taagan Badbaadinta Ummada iyo ka qeyb qaadashada baadigoobka loogu jiro dhismaha Dawladnimo Somaaliyeed oo ku qotonta Sinaan,Cadaalad,Nabdgalyo iyo dhawrista Dastuurka iyo Shuruuc Dalka,kuwaas oo damaanad qaadaya midnimada Dalka iyo dhawrista Xoriyaadka Muwaadiniinta.

Lakiin nasiib daro Somaaliya ayaa ah Dalka kaliya ee Caalamka ku yaal ee Been abuurku uu yahay Xirfad lagu shaqeysto,isla markaana Derjo iyo guul Siyaasadeed lagu gaaro Probogaan Been ah iyo Bakhtigoo la cuno

Halkan ka daawo hadalkii Ugaas Cabdiweli Ukun

<