Digniin —Roobab Duufaan wata oo laga yaabo iney ku dhuftaan Dhul xeebeedka Puntland

Sida lagasoo Xigtey Hay’adaha Saacadasha Hawada ee Caalamka Waxaa Macquul ah in Roobab Dabeylo wata ay soo gaaraan Deegaanada Puntland, khaasatan Dhul xeebeedka iyo Deegaanada ilaa 100 KM u jira Xeebtaha.

Shacabka waxaa looga digayaa iney kaluumaysi u aadaan Bada, Dadka Xeebaha u dhowna sidii kale waa iney foojignaadaan.

Roobabku waxay keeni karaan Daad xoogan sidaas awgeed halaga dheeraada dhulka hooseeya ee togoga oo kale ah.

Duufaan xoogan ayaa laga cabsi qabaa iney Roobabka la socdaan sidaas awgeed Gadiidleyda Xamuulka xitaa waa loo digayaa.

Waa muhiim in aad lasoo xiriirtaan Hay’adaha Dowlada Puntland iyo Talisyada Ciidamada meesha kuugu dhow hadaad dareentaan Cabsi ama khatar ama Gargaar aad u baahataan.

Gobolada looga Xabsiga qabo Riobabku iney waxyeelaan waa Haylaan, Gardafuu, Mudug Nawaaxiga Garacad, Bari iyo Nugaal nawaaxiga Eyl.

Puntlandi.com
Bosaso

<