
Laba bil ka hor ayaa Warbaahinta Puntlandi.com oo soo xiganaysay ilo Dublamaasiyadeed waxay shaaciyeen in Madaxweyne Farmaajo uu Saaxiibkii Abiy Ahmed uu ka dalbadey Ciidamo La keeno Deegaanada Galmudug, warkaan xaqiiqdiisii hadaad heystaan.
Isla Ilahaas Dublamaasiyadeed waxay hada nooxaquijiyiin in Heshiis dhaqaale badan lagu bixiyey uu dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Ciidanka Bada Itoobiya.
Ciidamada Xooga Dalka Itoobiya ee iminka soo Caga dhigtay Gobolada Dhexe waxay hordhac u yihiin Ciidanka Bada Itoobiya oo Saldhig tababar ka sameysanaya Xeebaha Galmudug, Waxay kaloo hordhac u yihiin hirgalinta Saldhig ay Ciidamada Bada Itoobiya ay ka sameysan doonaan deegaanadaas.
Ciidamada hada soo galay Galgaduud waxay kaloo Dowlada Federaalka ay ka caawin doonaan Dhismaha Maamul Goboleedka Galmudug.
Ilaa inta laga gaaraya Bisha Maarso sanadkaan soo socda waxay Itoobiya keeneysaa Gobolada Dhexe Ciidan gaaraya 4500 oo Askari.
Xogtaan aan helnay waxay Muujineysaa oo kale in uu isna jiro Heshiis hoosaad ka dhexeeya Itoobiya iyo Kenya oo ku aadan Saldhiga Ciidanka Bada Itooboya ay ka hirgashanayan Soomaaliya.
Puntlandi.com
Gaalkacyo