Villa Soomaaliya Jubbaland ma aqoonsana hada Shirarka Dowlada Federaalka way ku Casumaysaa

Waxaad si cad u dareemaysaa in marmarka qaar la is khasbayo taasna ay meesha ka saarayso Dowladnimo Madaxbanaan oo Soomaaliya ay leedahay inaysan jirin, waxaad kaloo arkaysaa marmar in Shacabka Durban been ah loo garaacayo, oo sida wax loogu sheegayo iyo Xaqiiqda ay kala Fog yihiin.

Dowlada Federaalku waxay hoosta ka xariiqday inaysan aqoonsanayn Maamulka Axmed Madoobe dhanka kalena si hoose oo lagu khasbay ayay ula shaqaynayaan Axmed Madoobe.

Bishii Septembar waxaa Adis Ababa ka dhacay Shirka dhaqaalaha Soomaaliya, Villa Soomaaliya bilowgii ma aysan casumin Jubbaland laakiin Puntland iyo Beesha Caalamka ayaa ku khasbay in Jubbaland la casumo, sidaas baa Casumaad deg deg ah loogu diray Kismaayo.

Shirkaan kiisii labaad ayaa wuxuu hada ka furmay Safaarada Soomaaliya ee Dalka Ugandha, si toosa oo lamid ah Maamulada kale ayaa loo casumay Jubbaland, Siyaasada Villa Soomaaliya miyeyna ahayn Bakhtiga waan cunayaa fuudkiisana cabdi maayo.

Waxaan iyana xasuusanaa Caleema saarkii Axmed Madoobe, Dowlada Federaalku waxay noo sheegtay in ay sharci daro kusoo galeen Soomaaliya Wafdigii kasocdey Kenya ee ka qaybgalay Caleema saarka, Maslmo ka dib WasaaradacArimaha Dibada Kenya oo hadalkaan duulduul ku maqashay ayaa si kulul uga jawaabta waxayna yiraahdeen “Dowlada Federaalka Soomaaliya Way ogayd Wafdiga Kenya iyagaana Ogolaansho siiyey iney ka qayb galaan Caleema Saarka Axmed Madoobe”

Dowlada Puntland ayaa bishii Septembar waxay hoosta ka xariiqday oo ay ogaysiiyeen Beesha Caalamka in aysan Puntland imaanaya shir dambe oo aan lagu casumin Jubbaland.

Sawirada hoose waa Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya oo hada ka socda Kampala

Puntlandi.com
Kismaayo

<