Gudoomiyihii Degmada Luuq oo Xilka laga qaadey iyo Digniin cusub

Dowlada Jubbaland ayaa Xilkii ka xayuubisay Gudoomihii Degmada Luuq Maxamed Cabdullahi Gardhuub kadib markuu isu dhiibay Villa Soomaaliya.

Warbaahinta Puntlandi.com oo soo xiganeysa Sargaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa xaqiijiyey Xil ka xayuubinta lagu sameeyey Gudoomiyaha Degmada Luuq.

Waxaa wadada kusoo jiravWareegtada Xilka looga qaadey Gudoomiyaha kadib wadatashi ay Sameeyeen Madaxweyne Xigeenka , Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Madaxweynaha Kubbaland, waxaa sidaas loo xaqiijiyey Warbaahinta Puntlandi.com.

Wareegtada waxaa kaloo lagu xusayaa sidaan xogta ku hayno Digniin ku socota Masuuliyiinta Rayidka iyo kuwa Ciidanka ee Gobolka Gedo, Masuulkii Ka carara Jubbaland wuxuu si ootamatik ah u luminayaa Xilkii uu hayay.

Digniintaan iyo Xilka qaadistaan ayaa imaaneysa kadib markii Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland ay sheegeen iney hoos imaanayaan Villa Soomaaliya.

“Arimaha ay Dowlada Federaalku ay kawado Gobolka Gedo waa sharci daro maan dhaafsan Nidaamka Federaalka, waxayna khatar ku tahay jiritaanka Dowlada Federaalka” Waxaa sidaas yiri Sargaal ka tirsan Dowlada Jubbaland.

Puntlandi.com
Kismaayo

<