Breaking — Diyaaradii u horaysay oo Duulimaad toosa ayaa hada ka duushay Muqdisho kuna sii jeeda Nairobi

Diyaarad ay leedahay Kenyan Airway oo sida ku dhowaad 55 Rakaab ah ayaa bilowday hirgalinta Heshiiskii laba isbuuc ka hor ay wada gaareen Farmaajo iyo Uhuru,

Diyaaradaan ayaa Galabta waxay ka duushay Muqdisho waxayna ka degaydaa Nairobi iyadoon sii marin Magaalada Wajeer.

Heshiiskii Ay wada gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru ayaa waxaa qayb ka ahaa in Dib loo bilaabo Duulimaadyadii tooska ahaa ee Soomaaliya iyo Kenya.

Murankii Siyaasadeed ee u Dhexeeyey Villa Soomaaliya iyo Nairobi ayaa dhaliyey in Kenya ay Ciqaab uga dhigto Soomaaliya in Diyaaradaha Ganacsiga ee Soomaaliya ka yimaada ay soo maraan Wajeer ka hor intaysan usoo gudbin Nairobi.

Puntlandi.com
Muqdisho

<