Kulanka maanta dhex maraya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore wuxuu guul Siyaasadeed u yahay Mucaaradka

Waxaa maanta lagu wadaa inay kulmaan Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynihii hore Xasan Shiikh iyo Madaxweynihii hore Dheikh Shariif Sheikh Axmed.

Kulanka oo uu dalbadey Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda in dhaariyey Sheikh Shariifvay godka kasoo saartay Xoogaga Wadaniyiinta.

Labada Madaxweyne hore waxay moodaa Farmaajo soo saaraysaa Kiis dheer oo u muuqda kuwa uusan Madaxweynuhu uusan kaligiis jawaab ka bixin Karin.

Xaliima Yaray’da Gudiga Doorashada waxay wali lasoo taagan tahay inay qabanayaan Doorasho One men One Vote Ah, taas Mucaaradku waxay u arkaan Ruwaayad raqiis ah,waana tan Madaxweyne Farmaajo uu wali aamin San yahay.

Kulankaan wuxuu guul u yahay Mucaaradka oo doonaya in ay dhamaatay igu sawir iyo balanqaad been ah, hada kadib wixii miiska lasoo saaro waa inay noqdaan wax waadaxa oo ka turjumaya baahida dhabta ah ee taagan.

Xisbiyada Mucaaradku waxay Maanta Madaxweynaha uga fadhiyaan qaabka Doorasho ee Villa Soomaaliya ku haminayso, hadii qaabkaas uu ka hadmi waayo Mucaaradka, waxaa u diyaar ah Qorshe kale oo aysan Villa Soomaaliya is hortaagi karin, waa sida ay Xogta ku hayaan Puntlandi.com

Sheikh shariif oo maalmihii u dambeeyey diidanaa La kulanka Farmaajo waxaa mowqifkiisa badalay wada tashi uu la sameeyey Madaxda Xisbiyada, kuwasoo kulankaan u arkay fursad dahabi ah, waana sax waxay iyaga u tahay Fursad weyn.

Qodobada laga wada hadlayo waxaa ugu muhiimsan Qodobadaan hoose oo aan kasoo xiganay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

Puntlandi.com
Muqdisho

<