Gudoomiye Cabdirshiid Wuxuu muujiyey inuu xitaa yahay Odey Puntland

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Yusuf Jabril wuxuu qaadey wado ka duwan Wadooyinkii ay qaado jireen Gudoomiyayaashii ka horeeyey.

Hogaamiyayaasha Dhaqanku iney muhiim u yihiin Puntland waa mid uu garawsan yahay Gudoomiyuhu oo shaqadiisa kuma uusan ekeyn oo qura Siyaasada.

Shalay wuxuu Gudoomiyuhu bilaabay inuu Wadatashi la sameeyo Isimada soo jireenka ah ee Puntland, kuwasoo Wada shaqayntoodu muhiim u tahay Dowlad Bilada Puntland.

In dib loogu noqdo Isimada waxay muhiim u tahay shaqada Wakiilada/Xildhibaanada, Xildhibaanada Shaqo bixiyohooda Shaqada u dhiibtay waa Isimada, Isimaduna waxay Wakiil ka yihiin Shacabka, in Gudoomiyaha Baarlamaanku uu Isimada wadatashi ugu tago waa bilow wanaagsan.

Shalay Galabta wuxuu Gudoomiyuhu uu gurisa ku booqdey Islaan Ciise Islaan Maxamed,

hoos kadaawo sawirada

<