Faalo gaaban:- Heshiiska dhex maray M. Farmaajo iyo Ex.2M waa Sagaaro sow ima baarato

Galabta waxaa Villa Soomaaliya ku kulmay Madaxweynaha Hada Xilka Haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Labadii Madaxweyne ee isaga Xilka uga horeeyey Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif , waxaa laga wada munaaqishoodey Xaalada Dalku ku socdo iyo Waxyaabihii lasoo dhaafay mudooyinkii dambe, waxaana kulanka kasoo baxay is afgarad iyo is in horey loo wada socdo.

Laakiin Xasan iyo Shariifow Farmaajo ma barataan miyaa Arinta miyaysan ahayn ooraahdii ahayd ‘SOW SAGAARO IMA BARATO”, Miyaydaanse dareensanayn in hada laga gudbey IGU SAWIR oo Wakhtiga gabagabo yahay.

Heshiiska uu Farmaajo la galay Madaxda Mucaaradka qaarkood waxaa lagu macneeyey mid uu Madaxweynuhu isaga yaraynayo culaysyada Siyaasadeed ee uga imaanaya Siyaasiyiinta ka fikirka duwan iyo Beesha Caalamka.

Dhinaca kalena waa mid uu Wakhtiga ku iibsanayo si uu fursad ugu helo Ajandayaashiisa qorsoon ee Uu la damacsan yahay Doorashada lawada Sugayo.

Ok Madaxweynuhu wuxuu isagu sheegay in Doorashadu wakhtigeeda ay ku dhacayso laakiin Gudiga Doorashadu waxay maalmo ka hor sheegeen ayna wali ku adkeysanayaan in ay qabanayaan Doorasho One men One Vote ah. Wakhtiga harsan waa dhowr iyo toban bilood, Sidee la isku waafajinayaa Hadalka Madaxweynaha iyo Hadalka aan macquulka Aheyn ee Xaliima Yarey.

Doorasho One men One Vote ah oo Soomaaliya ka dhacdaa xiligaan iyo daruufaha uu Dalku ku jiro waxaa ka horeeya shaqooyin badan oo ay ugu horayso Amaanka,

Amaanka:- Xagee Amaan ah Xaliima yarey iyo Farmaajow,

Diiwaan galinta Shacabka:- Dadka oo la Diiwaan galiyo, Dad ma haysataan Farmaajo iyo Xaliima yareyeey, Dadka Koonfurta Soomaaliya 70% Waxay hoos yimaadaan Al- Shabaab, kuwa aan hoos imaanna waxay ka qaataan Canshuurta sida Reer Muqdisho.

Dhaqaale:- Kaas dhib ma leh walaaleheen Qatar baan hesaynaa.Boorso weynayaal.

Qorshaha qarsoon ee Gudiga Doorashadu Abaabul doonaan waa in la diiwaan galiyo Xoogaga Wadaniyiinta, si One men One Vote loo qabto oo la yiraahdo Degaan walba dhowr kun oo Qof baa laga diiwaan galinayaa, Viva Xoogaga Wadaniyiinta Soomaaliyeed.

Waxaa hubaal ah in maalmo dhow dariiqyada Muqdisho lagu arki doono Madaxweynayaasha hore oo Shirar qabanaya iyagoo dhihi doona Madaxweynuhu balantii/Heshiiskii wuu ka baxay, Sagaaro sow ima barato.

Puntlandi.com
Garowe

<