Faahfaahin kooban ” Almaas Elman Oo shaki badan ku jiro Dilkeeda”

Guud ahaan Xarunta Xalane waxay galisay Shook Dilka Elmaas Elman oo maanta lagu dilay Xalane kadib markii ay Xabad ku dhacday.

Dilka Gabadha wali jawaab rasmi ah kagama aysan bixin Masuuliyiinta Qaabilsan Amaanka Xalane, Waxaa loo diiday Hay”ada Dambi barista iney galaan Xalane si ay u baaraan Dilka Marxuumada.

Sida loo xaqiijiyey Warbaahinta Puntlandi.com waxay Almaas Elman geeriyootay xili yar kadib markay isu diyaarinaysay Shir ay uga qayb gali lahayd Xarunta Xalane.

Ilaahay naxariistii haka waraabiyee Almaas Elman Aabeheed wuxuu ahaa Nin isku dayay inuu Dhalin yaradu ay hubka dhigaan oo wax bartay wuxuu sameeyey Mashruuc caan ahaa Sagaashanadii oo la oran jiray Qoriga dhig oo Qalinka qaado, wax yar kadib ayaa Elman loo dilay Mashruucaas uu waday, Caruurtiisa iyo Hooyadood waxay u qaxeen Dalka Canada, Elmaas iyo laba gabdhood oo Walaaloheedda ah waxay kusoo laabteen Dalka si ay meesha ugasii Wadaan hamigii Aabohood waxayna u abaareen qaab ka duwan Qoriga dhig oo Qalinka Qaado,Sadexda Gabdhood waxay qayb wayn ka qaateen U dhaqdhaqaaqida Adeegyada kala duwan ee Bulshada.

Geerida sameysay Qoyska Reer Elman waa mid ay iyana sameysay shacuubts Guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed.

Warbaahinta Puntlandi.com Howlwadeenadeeda iyo Masuuliyiinteedu waxay Tacsi u dirayaa Hooyadeed iyo Walaaleheed iyo Guud ahaan Ehelkeeda, Marxuumadana Waxaan ilaahay uga baryaynaa Jano waarta iyo Dambi dhaaf. Aaaamiin

<