Dilka Almaas Elman wuxuu u muuqda Assassination toos ah

Warbaahinta Puntlandi.com oo la xiriirtay Dad aad ugu dhowaa Almaas Elman Ali Ahmed waxay noobxaqiijiyeen in Elmaas lagasoo toogtay meel Masaafo jirta.

Toogashadaan waxay ahayd mid qorsheysan oo ay fuliyeen Dad khibrad u leh toogashada noocaan ah (Professional Sniper), Xalane waxaa ku sugan Dad kala duwan oo Ciidan iyo kuwo Ciidan soo ahaan jiray ay ka buuxaan, Dilka noocaan ahna waxaa badanaaba fuliya Sirdoonka iyo Ciidamada Khibrada toogashada leh.

Axmed Cusmaan oo aad ugu xeel dheer baarista dambiyada wuxuu Puntlandi.com u sheegay in laga yaabo in Gabadhaan loo khaarajiyey siyaabo badan awgeed, Midi waxay noqon kartaa Shaqadeeda oo noocyo badan noqon karta, Shaqada lawada ogyahay oo ay heysay ama Shaqo kale oo u qarsooneyd, taasi saameyn Wayn ku yeelan kartaa sababta loo khaarajiyey.

Mida kale waxay noqon kartaa iney ogayd waxyaabo aan loo baahnayn inay ogaato oo looga cabsi qabay iney sii gudbiso.

Dhanka kale Axmed Mar uu ka hadlayay Cida ka dambeynta karta Dilkeeda wuxuu yiri..

Dilka Gabadhaan waa labo mid , Dil kama ah oo aan iyada loo dannlahayn iyo Dil iyada lala beegsadey.

Hadii Dilka uu yahay mid iyada lala beegsanayay oo la bar timaamadeystay waxaa hubaal ah in loo diley qodobada aan kor kusoo sheegay, Waxaana ka dambeeya Dad awood sare leh.

Alla naxariistii Jano haka waraabiyee Almaas Elmed Cali Ahmed waxaa ku dhacay oo dilay Xabad meel Fog lagasoo gamay, shaki badan ayaana jira sababta loo beegsadey iyada.

Walaasheed oo iyana u dhaqdhaqaaqda Adeega Bulshada hadana u shaqaysa Qaramada Midoobay waxay Habeyn hore jeedisay Khudbad ay Amaanka Soomaaliya uga hadleysay waxayna hoosta ka xariiqdey in Amaanka Muqdisho uu soo wanaagsan yahay.

Puntlandi.com
Muqdisho

<