Canada — Ahmed Hussein oo loo magacaabay Wasaarada Qoyska iyo Adeega Bulshada

Wasiirkii hore ee Socdaalka, Soogalootiga iyo Dhalashada Canada Axmed Xuseen ayaa laga badalay Wasaaradiisii hore waxaana hada loo magacaabay Wasaarada Qoyska iyo Horumarinta Bulshada.

Marco E. L. Mendicino Oo Golaha Wasiirada ku cusub ayaa loo Magacaabay wasaaradii hore ee Ahmed Wasiirka ka ahaa, Wasaarada Socdaalka iyo Arimaha Ajnabiga/Qaxootiga.

Axmed Xuseen wuxuu kaloo soo galay Baarlamaanka Canada wuxuuna noqonayaa Qofkii Soomaali ah oo ugu horeeyey oo heerkaas ka gaara Wadamada Reer Galbeedka.

Hambalyo Axmed Xuseen

Puntlandi.com

<