Breaking News—— Xasan Shiekh “ Madaxweyne Farmaajo qodobadii aan hordhignay si wanaagsan baan uga wadahadalnay, Mudo kororsi ma jiro mana dhacayo”

Kadib kulankii maanta dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Madasha ay ku Midaysan yihiin qaar kamid ah Xisbiyada Qaran ayaa waxaa shir jaraa’id oo lagu faahfaahinayo natiijada kulanka qabtay Madaxweynihii hore Xasan Sheikh oo isagu qayb ka ahaa kulanka.

Kulanku wuxuu dhexmaray Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynihii hore Xasan shiikh iyo Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed.

Madaxweyne Xasan sheikh wuxuu Shirka jaraa’id ku sheegay in dhamaan qodobadii ay Xukuumada hordhigeen uu Madaxweynuhu soo dhaweeyey,
Wuxuu yiri qodobada waxaa kamid ahaa Qodobka shakiga badan ay Bulshadu ka qabto oo ahaa xiliga Doorashadu dhacayso.

Doorashada

Mdaxweynuhu wuxuu noo sheegay in Hay’adaha Dowlada (Madaxweynaha iyo labada Aqal) Wakhtiga loo igmaday aan halmaalin lagu darayn, Doorashaduna ay wakhtigeeda ku dhacayso, Qaabka ay Doorashadu u dhacayso wuxuu noqonayaa mid lagawada tashan doono,

Amaanka

Waxaa lanisla meel dhigay in aan sugida Amaanka aan la siyaasdeyn ee laga wada qayb qaato

Khilaafyadii labada Dhinac

Waxaa la isla meel dhigayaan si nabad ah lagu dhameeyo wixii khilaaf ah ee jira.

Sida muuqata labada dhinac waxayn isla meel dhigeen in sibwada jir ah looga shaqeeyo sidii horay loogu socon lahaa, Dalkana Doorasho loo gaarsiin lahaa.

Puntlandi.com
Muqdisho

<