Miisaaniyada Puntland 2020 Waxaa lagu saleeyey la dagaalanka Musuqmaasuqa

Miisaaniyada Puntland ee iminka horyaal Golaha Wakiilada, Waa Miisaaniyada ugu badnayd ee Puntland soo marta, Sharcigaan cusub ee Miisananiyada 2020 waxaa hada meelmariyey Golaha Wasiirada Waxaana loo gudbiyey Baarlamaanka.

Waxaa Miisaaniyada qayb ka ah Mushaar kordhin, meelaha qaar ah boqolkiiba boqol, Labada Gole ee Xukuumada waxaa iyana loo kordhiyey Mushaarka, Ciidamada boqolkiiba boqol ayaa loo kordhiyay.

Waa bilow wanaagsan oo qayb weyn ka ah la dagaalanka Musuqmaasuqa, Askariga iyo Siyaasiyiinta hadaysan qaadan Mushaar ku filan, waa qaybaha uu Musuqmaasuqa ka bilowdo.

Shaqaalaha Waaxda Canshuuraha iyana waa lamid, hadaysan qaadan Mushaar ku filan, sidii kale Musuqmaaduq kama marnaabayo.

Miisaaniyada 2020 ee Puntland waa Miisaaniyad miisaan weyn iyo Dowladnimo Xambaarsan, Hadii Golaha Wakiilada ay meel mariyaan waxay Puntland u horseedeysaa guul iyo gobonimo.

Ciidamada Qaranka uma baahna Mushaar loo laba jibaaro, Xiligaan la joogo waxay u baahan yihiin in ay helaan Shan jibaar Mushaarka 2020 ka loo laba jibaaray, Madaxweyne Saciid Cabdullaahi iyo Xukuumadiisu waxay garwaaqsadeen In Askariga uu qiimo gaara leeyahay, waanabilow wanaagsan, laakiin Gobolku waa inuu ahaadaa in 2025 uu mushaarka Ciidanku ugu yaraan uu shan jibaarmo.

Miisaaniyada oo kor loo qaado waxaa sal u tahay dhaqaalaha Dowlada soogala oo isna kor u kaca, waana iney isku kaan goosan yihiin.

SU”aashuse waxaa weeye Miisaaniyada 2029 iyo Dhaqaalaha soo galaya Qasnada Dowlada ma isu dheeli tirnaan dionaan.

Puntlandi.com
Garowe

<