Xoghayihii iyo Afhayeenki Xisbiga Wadani oo loo dhaadhiciyey Xabsiga Mandheera

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Soomaaliland Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegay in Masuuliyiintii xalay lagu xiray Hargeysa ay iminka ku jiraan Xabsiga weyn ee Mandheera.

Xalay ayaa Ciidamada Boolisku waxay Xabsiga dhigeen Xoghayihii Iyo Afhayeenkii Xisbiga, Saaka aroortiina waxaa loo dhaadhiciyey Xabsiga Mandheera.

Xarigaan ayaa yimid kadib markii Gudoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Ciro uu ku dhawaaqay Mudaharaad iyo in taageerayaasha Xisbigu ay isugu yimaadaan Xarunta Xisbiga ee Hargeysa Xukuumaduna Way ka digtet in la isusoo baxo.

Waxaa Soomaaliland ka jira muran xoogan oo ku aadan Doorashada.

Saaka oo isniin ah aad ayay Xaalada u kacsan tahay , Mudaharaad aan saas u weyneyn ayaa hada bilowday.

Kala soco Puntlandi.com wixii soo kordha

<