Xaalada Soomaaliland oo degan kadib Mudaharaadyo goos goos ahaa

Inkastoo saaka waberigii Uu Magaalada Hargeysa uu ka bilowday Mudaharaad aan saas u weyneyn oo ay soo qaban qaabiyeen Xisbiga Wadani hadana Xaaladu aad ayay u degan tahay.

Rasaas ayaa mar Ciidanka Booloosku ay adeegsadeen si ay u kala didiyaan isusoo baxayaasha Xisbiga Wadani oo ay horay Xukuumadu uga digtay iney qabtaan Mudaharaad Sharci daro ah.

Qoloba qolada kale ayay ku eedeynayaan iney hareeraha ka mareen Sharciga, Xukuumadu waxay Xisbiga Wadani ka diideen iney Taageerayaashoodu isusoo bax sameeyaan Amaanka awgiis laakiin Gudoomiyaha Wadani wuxuu ku adkeystay in ay Taageerayaashiisu ay isugu yimaadaan Xarunta Xisbiga ee Hargeysa.

Magaalooyinka kale ee Soomaaliland sida Burco waxaa iyana ka dhacay Mudaharaadyo lagu ayidayo Xisbiga Wadani loogana soo hor jeedo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.

Odoyaal dhaqameedka ayaa dhankooda waxay ku baaqeen in Xaalada la dajiyovwaxayna Cambaareeyey Xariga masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Wadani.

Puntlandi.com
Hargeysa

<