Sheikh Shariif oo diiday inuu la kulmo Madaxweyne Farmaajo


Taliyaha Nabad sugidu Fahad ayaasiin oo todobaadkii hore la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa Fahad wuxuu Sheikh Shariif u gudbiyey Fariin Casumaad ah oo uu kawada Madaxweyne Farmaajo .

Sheikh Shariif wuu aqbalay casumaada inkastoo uu ku xiray Sharuudo dhowra Laakiin Warar hoose oo hada ay Warbaahinta Puntlandi.com ay hayaan ayaa xaqiijinaya in Madaxweynihii hore Sheikh Shariif uu gabi ahaanba kansalay kulankii uu la qaadan lahaa Farmaajo.

Sababta ayaa lagu sheegay badalo kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo hadaladaasoo uu Madaxweynuhu ku weeratmray Madaxdii hore ee Dalka oo Sheikh Shariif ku jiro.

Sargaal ka tirsan Xisbiyada Qaranka ayaa wuxuu yiri “ Waa caruurnimo in Madaxweynuhu uu ergo soo dirsadey, hadana uu banaanka lasoo istaago cayda Dadkii ka dalbadey inuu la kulmo oo la iscafiyo””.

Sidaan ay Howlwadeenada Puntlandi.com ay xogta ku hayaan Kulanka Madaxweyne Farmaajo uu dalbadey wuu burburay gabi ahaanba.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<