Shacabka oo xoog ku jabsadey Xaruntii Xisbiga Wadani

Xili ay Xukuumadu ka digtay in Mudaharaad la qabto maanta oo isniin ah hada Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani waxay saaka bilaabeen Mudaharaad ka dhan ah Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.

Xukuumadu waxay xirtay gabi ahaan Dhismaha uu Degan yahay Xisbiga Wadani waana goobta lagu balan sanaa in Mudaharaadku uu ka bilowdo saaka aroornimadii.

Taageerayaasha Xisbiga oo caraysan ayaa xoog ku galay Xarunta kadibna gabi ahaanba la wareegay.

Gudoomiyaha Wadani Cabdiraxmaan Ciro ayaa kadib soo gaaray Xarunta, hadana wuxuu ku sugan yahay Gudaha Xarunta Wadani.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in Askari ka mid ahaa Ilaalada Xisbiga Wadani uu ku geeriyooday Rasaas ay fureen Boolisku.

Madaxweynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi ayaa wuxuu ku baaqay in la ilaaliyo Amaanka iyo Dowlad Bilada , Afhayeenka Xukuumada ayaa isna Gudoomiye Ciro ku eedeeyey inuu bal maray Sharciga uuna Xisbiga Wadani uu ka dhigayo Xisbi Reer leeyihiin.

Wararka sugan ee Soomaaliland kala soco Puntlandi.com

Xuquuqda Sawirada Hadhwanaag

<