Dowlada Federaalka oo dayacday Mashruuc Talyaanigu ku Deeqi lahaa oo ka hortagi karay Fatahaadii Wabigaee G. Hiiraan

Dowlada Talyaaniga ayaa mudo sanad laga joogo waxay Soomaaliya ugu deeqay Aduun gaaraya 6 Milyan oo Dollar oo ay soo jeediyeen in lagudhiso Biyo xireen.

Laakiin Dowlada Federaalka ayaa ka mashquushay inay dalbadaan Mashruuca ilaa hada uu wakhtigii ka dhacay, Dowlada Talyaaniguna dib ayay ula laabatay Mashruucii.

Mashruucaan waxaa loogu tala galay in Baledweyne looga dhiso Biyo xireen si looga hortago Fatahaada Wabiga, tasoo maanta hadii Mashruucaas uu hirgali lahaa laga yaabo lahaa in uusan Wabigu soo fatihin.

Wararka Puntlandi.com helayaan waxay sheegayaan in Sharuudaha lagu xiray Mashruucaan ay kamid ahayd in Dhisida Biyo Xigeenka iyo maamulida ilaa Dhismaha ka dhamaanayo ay fuliso Shirkad Talyaani ah, tasoo macneheedu yahay in aysan jirin Lacag Kaasha oo faraha loo galinayo Xukuumada Federaalka.

Sida aan warka ku helnay Mashruucaan jaaniskiisa in dib loosoo nooleeyo wuu furan yahay.

Puntlandi.com
Garowe

<