Reer Puntland uma kala harin Gargaarka Baledweyne ‘Baran oo soo dirtay laba gaari oo buuxa”

Shacabka Puntland gudo iyo Dibadba waakiwa u horeeya ee u Gurmadka Walaalohooda Doomaaliyeed markay gargaar deg deg ah u baahdaan.

Inta badan Deegaanada Puntland waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socdey u gurmashadka Dadka ku waxyeeloobay fatahaadii Wabiga ee Gobolka Hiiraan.

Degmada Baran waxaa shalay kasoo ambabaxay laba gaari oo kuwa xamuulka ah oo ay ka buuxaan dhar iyo Raashin kuwasoo kusii jeeda Baledweyne, guul Reer Baran.

Shacabka Degmada Baran ayaa maalmahaanba kunhowlanaa ururinta Gargaarkaan, marka deegaan ahaan loo eego Awoodooda Reer Baran waxay soo direen kaalmo aad u qiimo iyo fara badan.

Puntlandi.com
Bosaso

<