Karaash oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socdey Laan Qayrta Cas

Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Cusmaan Karaash ayaa maanta wuxuu Xafiiskiisa kuvqaabilay Wafdi kasocdey Laanqayrta Cas ee Aduunka oo uu hogaaminayay Madaxa Hay’adaan Juerg Eglin.

LabadavMasuul ayaa waxay kawada hadleen shaqada laanqayrta Cas ay ka fuliso Puntland isagoo Madaxweyne Xigeenku uu uga mahad celiyey Laanqayrta Cas shaqadooda.

Soo dhoofinta Naxaabiista laga keeno Dalka dibadiisa ayay qayb weyn ka geystaan Laanqayrta Cas, Xiliyadii Burcad Badeedka waxay laan qayrta Cas ay fududeeyeen dhanka Soo dhoofinta Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Arimo Burcad badeednimo lagu eedeeyey kuwasoo ku xiraa Dalka dibadiisa.

Kulanka maanta waxaa isna qayb ka ahaa Madaxa Laanqayrta Cas ICRC ee Puntland Emmanuel Lippolis.

<