Daawo Madaxweyne Xigeenka Jubbaland oo booqasho ku maraya Gobolka Gedo

Madaxweyne Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden oo iminka booqasho ku jooga Degmada Ceelwaaq ayaa wuxuu la kulmay Ciidamada Jubbaland iyo Kuwa Amisom.

Madaxweyne Xigeenka ayaa wuxuu sheegay inuu tagi doono dhamaan Degmooyinka Gobolka uuna kala hadli doono Xaalada Amaanka iyo Siyaasadaba.

Booqashadaan Ayaa ku soo aadeysa xili ay Dowlada Federaalku sheegtay in Degmooyinka Gobolka Gedo ay si toosa u hoos imaanayaan Villa Soomaaliya.

Bishii hore ayaa Ciidamada Itoobiya oo ka Amar qaadanaya Madaxweyne Farmaajo waxay Xabsiga dhigeen Sadex Gudoomiye Degmo oo Reer Gedo ah kuwasoo Villa Soomaaliya ay ku eedeysay iney ka taageersan yihiin Axmed Madoobe.

<