Breaking News : – Hargeisa oo caawa kacsan iyo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani oo canbaaryey xariga masuuliyiinta sar-sare ee Xisbiga Wadani

Wararka ka imanaaya magaalada Hargeisa ayaa tibaaxaya in saacadihii ugu danbeeyey ee maanta uu khalkhal iyo cabsi xoogani la soo daristay maamulka midowga Qabaa’ilka Jeegaanta ee uu hogaamiyo Gashaanle Muse Biixi Cabdi, kadib markii goor sii horeysay oo maanta aheyd uu Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani Mudane Cabdiracmaan Ciro uu bulshada Hargeisa iyo magaalooyinka kale ee Waqooyiga Dalka ugu yeeray in ay maalinta beri ah isgu soo baxaan Banaanbax nabdeed oo looga soo horjeedka nidaamka kaligii taliska Qabyaalada ku dhisan ee Muse Biixi.

Maamulka Gaashasnle Muse Biixi oo sas ka qaaday baaqaa Banaabaxyada ah ee uu ku dhawaaqay Xisbiga Wadani ayaa caawa talaabooyin jir dil iyo xabsi ah isgu daray masuuliyiinta sar-sare ee Xisbiga Wadani.

Wararka soo gaaray rugta warqabadka ee shabakada Puntlandi ee magaalada Garoowe ayaa sheegay in caawa xabsiga loo taxaabay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani Mudane Khadar Xuseen oo ka soo jeeda Beesha Ciidagle -Garxajis.

Sidoo kale waxaa caawa ciidanka Madxtooyada Muse Biixi ay jir dil iyo xarig isgu dareen Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani Barkhad Jamac Batuun oo ka soo jeeda Beesha Gabooye.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa si xoogle u canbaareyey talaabadaa sharci darada ah ee Maamalka Muuse Biixi uu Xabsiga ugu taxaabay masuuliyiinta sar-sare ee Xisbiga Wadani.

Mudane Ciro ayaa qoraal uu caawa soo saaray ku goodiyey WAA INOO BERI AROOR .

Halkan ka akhriso Qoraal Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Wadani Mudane Ciro

Qoraal uu Dr Cabdiraxmaan Cirro gudooomiyaha xisbiga Waddani soo dhiggay boggiisa Facebook ayuu ku cambaareeyay xadhigga madaxda Waddani.
“Umadda reer Somaliland waxa aan u xaqiijinayaa in goor dhaweyd sifo sharci darro ah oo aan wax cudur daar ah lahayn lagu xidhay Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga WADDANI, sida ugu adag ayaan u cambaareynayaa, waana in si degdeg ah xorriyadoodii loogu soo celiyaa.

Shacabka dareenkiisa xadhig iyo cabudhin toona laguma joojin karo. Waa inoo aroorta iyo Xarunta Dhexe.”

<