Maleeshiyada Galmudug oo hor istaagay Gurmadka ku socdey Baledweyne

Maleeshiyada Galmudug ayaa meel u dhow Bandiiradley oo Gaalkacyo u jirta 10 km waxay ku haystaan maalintii sadexaad Gurmadka Reer Puntland usoo direen Reer Baledweyne.

Maleeshiyada ayaa waxay dalbadeen Lacag in la siiyo hadii kale aysan sii detneyn, Dowlada Puntland wali kama aysan hadlin arintaan.

Darawliinta Baabuurta Xanuulka ee Shixnadaan Gargaarka ah wada waxay sheegeen inay ku wargaliyeen In shixnaducay Gargaar tahay loona wado Baledweyne, laakiin waxay ugu jawaabin inaysan waxba ka galin oo gaarigii lacagta bixin waaya uusan gudbeyn.

Darawaliinta mid ayaa noo sheegay in Qaar kamida Maleeshiyaadka ay isku dayeen iney leexsadaan Shixnada saaraan gawaarida.

Gurmadka oo ka kooban Rashin iyo Agab kale syaa Reer Puntland waxay usoo direen Dadka ku dhibaatoobay Fatahaada Wabiga.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<