Maleeshiyaadkii Haystay Baabuurtii Gurmadka oo sii daayay Gurmadka kadib Dadaal ay sameeyeen Waxgaradku

Gaadiidkooda Waday Shixnadaha Gurmadka ah ee Reer Puntland ay usoo direen Walaalohooda Reer Hiiraan oo mudo Sadex maalmood ah ay Maleeshiyo Reer Galmudug ahi ay hortaagnaayeen ayaa Galabta la fasaxay, Waxayna Baabuurtii u ruqaansadeen dhankaas iyo Baledweyne.

Odayaal dhaqameed Reer Galmudug ah ayaa u gurmadey Gawaarida si ay ugasoo dayaan Maleeshiyaadka madax furashada ay Canshuur ku tilmaameen u heystay, Waxaana Galabta lagu guuleystay iney Maleeshiyaadku ay ooda ka qaadaan Shixnada Gurmadka ah.

Dowlada Puntland ayaa u mahad celisay Waxgaradkuu ku guulaystay sii deynta Gawaarida.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<