Gudoomiyaha Cusub ee BP oo markii ugu horaysay shir gudoonshay Golaha Ansixiyeyna Gudiga Doorashada

Mudane Cabdirshiid Yusuf Jabril Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland wuxuu saaka si rasmi ah ugu fariistay Kursigisa uu ku shaqayn doono Afarta sano ee soo socota, HRI.

Gudoomiyaha ayaa shir Gudoomiyey Xildhibaanada oo maanta codka meelmarinta iyo Kalsoonida u qaadayay Gudiga Doorashada sPuntland oo dhowaan ay Madaxweynaha iyo Baarlamaanku soo kala Magacaabeen.

Baarlamaanku cod aqlabiyad ah ayay ku meelmarsheen Gudiga, waxayna u rajeeyeen Shaqo wacan.

Gudoomiye Cabdirshiid Yusuf wuxuu kursiga ku guulaystay Khamiistii wuxuuna badalay Gudoomiyihii Xilka laga xayuubiyey Mudane CabdiXakiin Dhoobo-Daareed.

Cabdirshiid Yusuf Waa Gudoomiyihii ugu da’da yaraa ee Abad soo mara Puntland waxaana lagu xantaa inuu yahay Nin aan codkiisa la baqin.

Puntlandi.com

<