Nuxurka Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Madx. Uhuru , labadooda Wasiir Arimo Dibadeed keebaa Shacabka run u sheegay

Hadalkii shalay kasoo yeeray Nairobi oo ahaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu Kenya kala xaajooday Kiiska muranka ka taagan yahay ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya wuxuu abuuray shaki weyn.

Waxaa shalay oo Khamiistii ahayd la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Kenya u ogolaadey in Kiiska Bada lagu dhameeyo qaab ay labada Dal ku qanacsan yihiin iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ay Aqal shaki ka qabeen qaabkii Kenya looga aqbalay in Kiis ka dib loo dhigo mudo Sagaal bilood ah.

Dhanka kalena Masuuliyiin Soomaaliya ayaa hadalkaan ku difaacaya in uu ku eg yahay oo qura Wasiirka Arimaha Dibada Kenya Nonica Juna,

Laakiin Soomaalidu miyeysan ogayn in hadalkaan uu si cad ugu Qaran yahay Statements-kii Kasoo baxay kulanka labada Madaxweybe oo ay si official ah (Si rasmi ah) ay u shaacisay Dowlada Kenya, ayna durba si official ah ay usoo dhaweeyeen Maraykanka iyo Itoobiya oo in mudo ah ka shaqaynayay Inay u kala dabqaadaan labada Dal.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo wuxuu Shacabka u sheegay dhowr qodob oo lagu heshiiyey, Qodobadaan hadaad dib u eegtid waa Qodobo qusaya ama dani ugu jirto Soomaaliya oo qura, Ma iswaydiiseen meeye Qodobadii lagu heshiiyey ee dhanka Kenya ay danta ugu jirtay, Uhuru Kenyatase Ma wuxuu la qoslayay oo qura inuu Visaha u fasaxay Shaqaalaha Farmaajo iyo  fasixida Duulimaadyada tooska ah. Meeye qodobadii Kenya ay ku badalatay xiriirka la wanaajiyey ee labada dhinac.

Marka Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Mudane Cawad iyo Wasiirada Arimaha Dibada Kenya Marwo Minoca kee baa Sax sheegaya?

Markaan meelo badan eegnay, Dublamaasiyiin badana la sheekeysnay waxaa 100% Run sheegay Marwada Wasaarada Arimaha Dibada Kenya Monica Juma.

halkaan ka  hoose akhriso Qoraalka rasmiga ah ee kasoo baxay Xafiiska Uhuru Kenyata

State House of Kenya : – The Somali leader expressed confidence that the maritime boundary dispute between his country and Kenya that is currently before the International Court of Justice in The Hague will be resolved in a mutually acceptable manner.

Puntlandi.com
Nairobi

<