Breaking News : ‘ Arintii Bosaso oo la dhameeyey lana bilaabay ineysan Arintaan oo kale aysan mar dambe u dhicin

Xukuumada Puntland iyo Isimada Gobolka Bari oo aan u kala harin ayaa tan iyo shalay waxay ku mashquul sanaayeen sidii loo dhaweyn lahaa Xasaradii ka dhacdey Bosaso todobaadkaan horaantiisii.

Waxaa Magaalada laga saaray Maleeshiyadii soo gashay, waxaana lagu heshiiyey in La bilaabo in la ciidameeyo Maleeshiyada hubeysan ee ka buuxa daafaha Dalka isla markaasna la isku qaso Ciidanka si looga hortagob in Mar dambe ay soo noqnoqoto Arinta ka dhacdey Bosaso oo kale.

Heshiiska laga gaaray Xurgufta ayaa ahaa mid ay ku qanacsan yihiin dhamaan qaybihii ay saameynta ku lahayd Xurguftu.

Shacabka Puntland waxay arintaan ka barteen waxyaabo badan oo ay ugu horaysay sida loo buun buuniyo Hadii waxyar ay ka dhacaan Puntland, Taasina waxay muujineysaa in Cadowga Puntland ay awoodoodii Afka iyo qalinka kusoo koob naatay.

Puntlandi.com
Bosaso

<