Maxaynu ogayn oo maanta Nairobi ku dhex maray Uhuru iyo Farmaajo


Maanta waxaa Dhacay waxyaabo badan oo aan la shaacin ka hor kulankii saacadaha qaatey ee dhexmaray Labada Madaxweyne.

Madaxweyne Uhuru Kenyata wuxuu Aqalka Madaxtooyada kula kulmi lahaa Madaxweynayaal kale oo marti u ahaa, Kuwasoo kuwada sugnaa Aqalka Madaxtooyada Kenya ee loo yaqaan Kenyan State House, Xiligaas Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku sugnaa Hotelkiisa.

Mar qura ayaa Madaxweyne Uhuru wuxuu ku dhacay Gaarigiisa iyadoo Madaxda Martida u ahayd ay sugayaan wuxuuna ku dhaqaajiyey Hotelkii uu deganaa Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu ku booqdey Farmaajo Hotelka (Waa sawirka hoose) Arintaan waxay dhalisay su’aalo badan sababta uu Uhuru isagoo marti kale oo lamid ah Farmaajo ay Xafiiska u joogaan, inuu Hotel Magaalada ku yaal uu ku booqdo Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Uhuru waxaa Hotelka uu deganaa Farmaajo uga horeeyey Wasiiradiisa Arimaha Dibada Monica Jumo

Siyaasiyiinta Soomaalidu waxay tilmaameen in Danta Kenya ay ka lahayd Madaxweyne Farmaajo ay ku gaareen sasabasho iyo Madax u salaaxid loo sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya.

Sacad iyo bar kadib waxay Uhuru iyo Farmaajo wadavyeesheen kulan looga wadachadlay Xaalada Labada Dal

Tani waxay kusoo xasuusineysaa Xiligii Eritrea laga qaadayay Cunaqabataynta, gacma is qabsigii Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Abiy Ahmed.

Xiligaas wuxuu Raysal wasaare Abiy Ahmed uu olole ugu jiray in Cunaqabataynta laga qaado Eritrea, Wuxuuna Aduunka tusayay in Erritrea ay la heshiisay Somalia iyo Itoobiya, waana Labadii Dal ee Dartood loo saaray Cuna qabataynta Dalka Erritrea. Madaxweyne Farmaajo ma uusan garawsaneyn ujeedada Abiy Ahmed.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata wuxuu maanta Ciyaaray kaarkii uu Raysal wasaaraha Itoobiya Ciyaaray.

Saacado kadib waxay Wasiirada Arimaha Dibada ee Kenya Monica Jums ay shaaciyey in Madaxweynaha Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay doorka Kenya ee AMISOM, martigelinta qaxootiga Somalida ah, wuxuuna muujiyay kalsoonida uu ka qabo in arrinta ICJ lagu xallin doono hab labada dhinacba ay ku qanci karaan oo aan.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Cawad oo la waraystay ayaa wax laga waydiiyey Hadalka kasoo yeeray dhigiisa Kenya, Wasiirku wuxuu ku jawaabay hadal shaki badan dhaliyey oo uu yiri Hadalka Gabadhaan Maxaa loo aaminayaa oo ani kayga loo aaamini waayay.

Puntlandi.com
Nairobi

<