Kenya iyo Soomaaliya oo soo gabagabeeyey Khilaafkii labada dhinac dhexyaalay

Madaxweynayaasha Kenyabiyo Soomaaliya ayaa kala saxiixdey Heshiis dhowr qodob ah kadib kulan ay maanta wada yeesheen labada dhinac.

Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa kamid ah

in isu socodka labada dhinac la caadiyeeyo, in ay Kenya qaado xanibaadii Visaha ee ay saartay Dublamaasiyiin Soomaali ah.

In Xiriirka labada Dal lagusoo celiyo sidiisii caadiga ahaa laba dhexeeyey Khilaafkii.

Madaxweynayaasha ayaa intaas ku sheegay shir jaraa’id oo ay wada qabteen kadib kulankoodii.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri Waxaan rajaynayaa in Kiiska Bda ee yaal Maxkamada Aduunka uu kusoo dhamaado si labada Dalka ku qanacsan .

Dadka Arimahaan ka faalooda waxay hoosta ka xariiqeen in kulankaan uu muujinayo in Wafuud heshiisa laga gaaray Kiiskii Bada sababtoo ah Qodobadaan la sheegey waxay muujinayaa in ay Soomaaliya aqbashay Dadaalkii iyo codsiydii Kenya ee ay mudada kasoo shaqaynayeen Maraykanka iyo Itoobiya.

Sawirada hoos ka daawo

<