Breaking News+Dawiro—-Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru oo dhamaystiray Heshiiskii uu dhex dhigay Raysal wasaare Abiya

Wadahadal kasoo bilowday Adis Ababa bishii hore ee Oktobar ayaa hada lagusoo gabagabeeyey Magaalada Nairobi.

Labada Madaxweyne ayaa waxay wada qaateen kulan socday mudo laba saacadood ah, Waxaana lagu gorfeeyey Laguna soo gunaanadey Khilaafkii u dhexeeyey labada dhinac.

Dublamaasi la hadlay Puntlandi.com ayaa noo xaqiijiyey in Heshiis ay wada gaareen labada Madaxweyne.

Arimaha laga wada hadleybwaxaa kamid ah ladagaalanka Al-Shabaab, Arimaha Jubbaland iyo Muranka Bada ee labada dhinac u dhexeeya.

Shir jaraa’id ayay wadaqabanayaan labada Masuul lamana oga nexyaabaha ay kaga hadlindoonaan.

Puntlandi.com
Nairobi

<