Baarlamaanka Puntland wuxuu Doortay Gudoomiyihii Shacabku rabeen

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirshiid Yusuf Jabril oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa Shaqsiga qura ee booskaan qaban kara xiligaan, wuxuuna ku yimid rabitaanka Shacabka.

Abwaan Cabdirshiid wuxuu lixdii sano lasoo dhaafay uu kusoo jiray Siyaasada Puntland wuxuuna waligiis u ololayn jiray Horumarinta Puntland gudo iyo dibadba.

Shantii sano ee Madaxweyne Gaas Xilka hayay wuxuu ahaa Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, waxaa lagu xasuustaa Safarkiisii dheeraa ee ku tagay Gobolka Sanaag goobo aysan waligood tagin Masuuliyiinta Puntland ayuu gaarsiiyey Mashaariic horumarineed.

Abwaan Cabdirshiid Yusuf Jabril wuxuu kusoo koray qurbaha tasaana u saamaxaysa in uu yahay shaqsi fahansan Dowladnimada iyo u Adeegsada Bulshada, Ilaalinta Sharciga iyo wada shaqaynta.

Gudoomiyaha Cusub ee Baarlaaanka Puntland Mudane Cabdirshiid Yusuf Jabril Waxaan u rajaynaynaa Shaqo wacan iyo in Illaahay ku Garab galo shaqada loo igmaday.

Puntlandi.com
Garowe

<