Xisbiga Himilo oo shaaciyey in DF ay dooneysay inay burburto Diyaaradii Sidey Sh.Sharrif iyo Xasan Sheikh

Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Suleymaan Maxamuud Xaashi ayaa dhaca ka qaadey in Xukuumada Federaalku ay isku dayday iney khaarajiso Madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif todobaadkii hore xili ay safar u ahaayeen Magaalada Baledweyne.

Gudoomiye Xaashi wuxuu yiri oo sheegay in khalkhal lagaliyey Diyaaradii sidey Masuuliyiinta xili ay Hawada ku jirtay, waxaana La doonayay in Diyaarada ay Shidaalka goosato.

Eedeynayaan weyn ee loosoo jeediyey Madaxda Dalka u sareeya waxay sii xiogaynaysaa Khilaafka Siyaasadeed ee Mucaaradka iyo Villa Soomaaliya.

Puntlandi.com
Mogadishu

<