Daawo : – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni oo maanta Magaalada Garoowe ku sagootiyey Gargaar aad u balaaran oo Puntland u dirtay Baladweyne

Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Garoowe ku sii sagootiyey Deeq garagaar ah oo Dawlada Puntland ugu talo gashay Walaalihii Somaaliyeed ee Reee Baladweyne ee waxyeeladu ka soo gaartay fatahaadii Webiga Shabeele.

Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni oo goobtaas ka hadalay ayaa sheegay in ay waajib diiniya iyo mid Somaalinimo ahba tahay in Walaalaha Somaaliyeed isu gurmadaan markii dhibaato soo gaarto.

Madaxweynaha ay ugu danbeyntii u mahadnaqay dadaalkii ay sameeyeen Xukuumada Puntland,Culumada,Ganacsatada,Dhalinyarada Ururka isxilqaan oo Madaxweynuhu uu soo magacqaaday Samafale Xabiib Farax iyo guud ahaan qeybaha kala gedisan ee Shacbiga Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Allaah uga baryey Shacbiga Reer Baladweyne dhibaatada ka dulqaado.

Halkan ka daawo Khudbadii Madaxweyne Deni

<