Beesha Sade ee Madaxweyne Farmaajo oo maanta shir uga furmay Hotel Dayax ee Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta shir balaaran uga furmay Hotel Dayax ee Magaalada Muqdisho Beesha Sade ee uu ka soo jeedeo Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Somaaliyeed Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkaas maanta u furmay Beesha Sade oo ay qaban qaabadeeda wadeen shakhsiyaad aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo ayaan si cad ilaa hadda loo soo bandhigin Ajendaha iyo ujeedooyinka shirka.

Warar laga helaayo Ilo xogogaal u ah shirka ayaa sheegay in shirku horudhac u yahay Shirweyne loo qaban doono Beelweynta Daarood Ismaaciil ee ku sugan magaaladaa Muqdisho,shirkaas oo looga jawaabi doono ficilada mucaaradka xukuumadu ka wadaan magaalada Muqdishu, isla markaana taageero loogu yaboohi doono Xukuumada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

<