Dowlada Federaalka oo shaqada ka joojisay laba Hay’adood oo ka howlgala Soomaaliland

Xili ay Wali Soomaaliland ay ku andacooneyso iney tahay Dal Soomaaliya Daris la ah, Hadana Villa Soomaaliya waxay amartay in Hay’adaha ka Howlgala Hargeysa ay shaqada joojiyaan ayna Dalka ka baxaan,

Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye ayaa shaqo joojin ku sameeyey Hay’adaha Hay’adaha Media Ink iyo Perspective Media, labadaan Hay’adood waxay ka howlgalaan oo qura Soomaaliland.

Wasiir Maareeye ayaa Hay’adahaan oo ka shaqeeya suuqa Saxaafada wuxuu ku eedeeyeen ineysan u hogaansamin Sharciga Wasaarada sidaas awgeed wuxuu Wasiirku wareegto kusoo saaray inay Dalka Soomaaliya isaga baxaan.

Go’aanka Wasiirku wuxuu muujinayaa in Villa Soomaaliya ay aamin santahay in uu Xukun koodu uu gaarsiisan yahay Soomaaliland.

Labada Hay’adood waxaa laga leeyahay USA iyo Holland, Soomaaliland wali jawaab kama bixin go’aanka Shaqada looga joojiyey Labadaan Hay’adood.

Hoos ka eeg labada waraaqood ee loo kala diray Hay’adaha

<