Breaking News—Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru oo lakulan siinayo saacadaha soo socda

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay Nairobi ka heleen ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru ay kulmayaan Saacadaha soo socda ayna ku kulamayaan Nairobi oo Madaxweyne Farmaajo uu ku sugan yahay.

Lama oga kulanka wuxuu ku salaysan yahay laakiin waxaa inoo ku Wardambeysay Dowlada Federaalka oo dhowr jeer oo hore beenisay in ay heshiis la gashay Kenya.

Wararkii kale ee inoogu dambeeyey waxaa kamid ahaa Wasaarada Arimaha Dibada Kenya oo hoosta ka Xariiqdey in Villa Soomaaliya ay ogayd ayna fasaxdey Wafdigii Kenya uga qayb galay Caleema saarkii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam.

Dublamaasi ka faalooda Arimaha Soomaaliya wuxuu yiri….

  • Imaatinka Farmaajo ee Nairobi iyo Sawiro aan hada arkayay oo ah Farmaajo iyo Uhuru oo wada qoslaya waxay Cadeynaysaa oo aan shaki ku jirin in Heshiis hoose lawada gaaray.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru wuxuu dhacayaa saacadaha soo socda, waa sida aan xogta ku heyno.

<