Agaasimaha Sirdoonka Nigeria Muxuu kasoo doona Soomaaliya

Madaxa Sirdoonka Nayjeeriya Ahmed Rufai Abubakar ayaa lagu arkay isagoo Muqdisho jooga kulamana la qaadanaya Agaasimaha Sirdoonka Dowlada Federaalka Soomaaliya Fahad Yaasiin.

Booqashadaan Ahmed Rufay ayaa loo badinayaa inay la xiriirto Al-shabaabka Soomaaliya iyo Boka Haram ka Nayjeeriyo.

Dowlada Federaalku waxay sheegtay in labada dhinac ay iska kaashanayaan la dagaalanka Argagixisada balse Lama sheegin qaabka ay isaga kaashanayaan.

Nigeria waxay in mudo ah Dagaal kula jirtaa Ururka Boka Haram oo ay isku dhaqan yihiin Al-Shabaab.

Labadaan urur waxay ku abtirsadaan Al-Qacida fara kulul ayayna ku hayaan labadaan Dal.

Puntlandi.com
Muqdisho

<