Breaking News— Gudoomiyayaashii Degmooyinka Luuq,Buulaxaaw iyo Doloe oo jirdil loogu geystay. xabsigiga Iitoobiya oo ay ku Xiran yihiin

Warar aan ka helnay Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa Puntlandi.com u Xaqiijiyey in jirdil loo geystay Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Gedo oo maalmo ka hor ay Xireen Ciidamada Itoobiya oo Amar ka heystay Dowlada Federaalka

Gudoomihii Degmada Luuq Maxamed Cabdullaahi Gardhuub,Gudoomiyihii Beled xaawo C/casiis C/llaahi Xareed iyo Gudoomiyihii Dooloow Bashiir Xasan Cabdullaahi Ayaa Xukuumada Federaalku waxay u adeegsatay Ciidamada Itoobiya iney u soo xiraan, Waxaana kadib loo dhaadhiciyey Dalka Itoobiya oo ay hada ku Xiran yihiin.

Wararku waxay kaloo sheegayaan in Masuuliyiintaan loo dhaadhiciyey Xabsi ku yaal bartamaha Itoobiya, halkaasoo shalay loogu geystay Jirdil. Waxaana laga yabaa in maalmaha soo socda loo gacan galiyo Villa Soomaaliya.

Masuuliyiintaan waxaa loo xiray kadib markii ay kasoohor jeesteen amaro uu Madaxweyne Farmaajo faray, waxay kaloo Masuuliyiintaan u ololaynayeen Wasiirka Amniga Jubbaland ee Muqdisho ku xiran oo ay iyaga isku heyb yihiin, waxaana mudooyin ka socday degmooyinkaan Mudaharaadyo lagu dalbanayo sii deynta Wasiirka ku xiran Muqdisho

<