Xisbiyada Diyaasada ma Reer Muqdisho oo qurasamaysanaya, meeye Siyaasiyiintii Reer Puntland, Soomaaliland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland

Markaad eegto Xisbiyada Ilaa hada Dalka ka hana qaadey waxaa ka dambeeyey Aasaasidooda Siyaasiyiin Reer Muqdisho iyo Nawaaxigeeda kasoo jeeda, iyagaana hogaamiyayaal ka ah, waxaa halkaa ka muuqda in Suuqa Cusub ee Siyaasada Soomaaliya ay ka maqan yihiin Siyaasiyiintii Dhaqanka u lahaa inay horboodaan Siyaasada Soomaaliya ee. Reer Somaliland, Puntland,Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Xisbi walba Dadka hogaansha Siyaasada ay Aamin San yihiin ayuu Xisbigu ku howl galaa haday Talada Dalka qabtaana waxay isku dayaan iney hirgaliyaan Siyaasadooda iyo Balanqaadkooda lagusoo doorto, waana wax iska caadi ah oo waa qaybta ugu wayn Dimuquraadiyada.

Taasina waxay u muuqataa in ay Meesha ka maqan yihiin Xisbiyada la isku halayn karo oo ilaaliya Nidaamka Federaalka iyo Heshiisyadii Soomaaliya ay uga baxday Kumeelgaarnimada oo u baahan ilaalintooda.

Puntland iyo Koonfur Galbeed waa labada Gobol ee u taagan ilaalinta Nidaamka Federaalka, waana Deegaanada Dhaqanka u leh u ololeeynta nidaamkaas, Sida ay Puntlandi.com Xogta ku hayaan waxaa ilaa hada Isbahaystay oo Xisbi ay wada jir ku yihiin soo wada Shariif Xasan Sheikh Aaden iyo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Waa nasiib daro in Suuqa Cusub ee Siyaasada Dalka (Xisbiyada) aysan ka muuqan Siyaasiyiinta Miisaanka weyn ee Deegaanadaas, hadii la waayana waxay dhalinaysaa in ay Ay suuqa soo galaan kuwo Calool u dhaqaysatayaal ah oo wata Magaca deegaanadaas kuwasoo aan ilaalin Karin Nidaamka Federaalka.

Madaxweynihii hore ee Dalka Sheikh Shariif Shiikh Axmed oo kamida Hogaamiyayaasha mid kamida Xisbiyada hadana loo doortay Hogaaminta Xisbiyada Mucaaradka ayaa khudbadiisii todobaadkii hore wuxuu yiri…

“Nidaamka Federaalka Anigu Shaqsiyaad waligay waan kasoo horjeedey laakiin waa wax ay Soomaali ku heshiisay, Heshiisbaana lagu badali karaa, sidaas iyadoo ah waa in la ilaaliya hada”.

Hadalka Madaxweynaha ma qabo isagoo qura laakiin dhamaan Hogaamiyayaasha Xisbiyada hada jira Way wada aamin danyihin in la badalo nidaamaka Federaalka, Mana xuma in Siyaasiyiinta ay hirgaliyaan Siyaasadooda haduu cadeysto xiliga Ololaha Doorashada, Laakiin waa ajandeqarsoon oo xiligeeda lala sugayo.

Hadii la waayo Xisbiyada Difaaca Nidaamka Federaalka, waxaa muuqata in Dalku uu khatar ku docdo.

Puntlandi.com
Garowe

<