Ciidamada DF iyo Ahlu Suna oo isku rasaaseeyey Matabaan

Wasiir ka socda Dowlada Federaalka oo wata Ciidan ayaa waxay maanta gaareen Magaalada Matabaan oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad ka tirsan Maleeshiyada Ahlu Suna.

Isku dhac Rasaas la is dhaafsaday ayaa halkaas ka dhacay, Maleeshiyada Ahlu Suna ayaa looga guuleystay, waxayna isaga baxeen Magaalada.

Lama oga sababta ay Ciidamada DF ay u tageen Matabaan oo ka midna ah merlaha ay ka galiyaan Ahlu Suna.

Labada dhinac wali kama aysan hadal isku dhacasn, Laakiin Sargaal ka tirsan Ciidanka Dowlada ayaa Puntlandi u xaqiijiyey inisku dhacay aysan wax khasaare ah ka dhalan.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<