Breaking News — Shir ay todobaadka soo socda isugu iman lahaayeen Xisbiyada iyo Maamul Goboleedyada oo baaqday sababtoo ah…

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa ogaatay in Shir Ay isugu imaan lahaayeen Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Todobaadka soo socda uu baaqday sababtoo ah Xaalada ka jirta Magaalada Baledweyne.

Shirkaan ayaa lagu balamay kulan ay Masuuliyiinta ku yeesheen Kismaayo xiligii la Caleema saarayay Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuuna shirku ka dhici lahaa Magaalada Garowe.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Axmed Madoobe, Shariif Sheikh Ahmed, Shariif Xasan, Xasan shiekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa Shirka isugu imaan lahaa.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadli lahaa Xaalada Soomaaliya, sida aan xogta ku heyno Ilaa hada Lama iclaamin Shirkaan goobta uu dhici doono, laakiin waxaa naloo xaqiijiyey in Shirku uu Garowe ka dhici doono intaan sanadkaan dhamaan.

Puntlandi.com
Garowe

<