Ergayga Gaarka ah ee QM James Swan oo wadatashi ugu tagay Ragii Kursigiisa uga horeeyey Niclas Kay iyo Meachel Keating

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan ayaa kulan looga hadlayo Nabada oo ka dhacay Dalka Turkiga ayuu wuxuu kulan gaara la qaatay Ergayadii Gaarka ahaa ee Qaramada Midoobey u joogo jiray Soomaaliya, Isagana shaqada uga horeeyey.

Nicklas Kay oo Xiliyadii Adkaa Soomaaliya u fadhiya Jiray Qaramada Midoobey iyo Meachel Keatin oo uga dambeyey Kursiga ayuu la kulmay James Swan si uu waayo aragnimo iyo wadatashi ku aadan Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta Soomaalida uu uga helo.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay Xaalada Soomaaliya, waxayna labadaan Masuul talo siiyeen James Swan maadaama ay Soomaaliyanugabwaayo aragtaan yihiin, ayna horyaalaan shaqooyin Adag oo ku aadan Siyaasada Soomaaliya oo hada maaraysa Xili qalafsan ayna Doorashooyinka kusoo fool leeyihiin, waxaa kaloo uu Swan kusoo aadey Xili muran xoogan oo Siyaasadeed uu ka dhexeeya Maamul Goboleedyada iyo Villa Soomaaliya, oo aan qaarkood wada hadal, lagana rabo inuu isaga u kala dabqaado muranadaas Siyaasadeed ee u dhexeeya Siyaasiyiinta Soomaaliya.

James Swan oo isaga qudhiisu waxbadan Soomaaliya kasoo shaqeeyey wuxuu hada yahay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu usoo magacaabay Arimaha Soomaaliya waxaana hada horyaal shaqooyin Adag oo qaarkood aad u qalafsan yihiin sida, Khilaafka Jubaland iyo Villa Soomaaliya, Khilaafka Galmudug iyo Villa Soomaaliya iyo Khilaafka Villa Soomaaliya iyo Xisbiyada Siyaasada, waxaa weheliya Khilaafka Puntland iyo. Villa Soomaaliya.

Puntlandi.com
Istanbul

<