Sawiro- Madaxweyne Deni oo fasax ku jooga Qardho oo Beerta Dalxiiska kula casheeyey Xubno labada Gole ah


Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa wuxuu kulan ay Casho wehelisay uu kula qaatay Xubno tirsan labadiisa Gole Beerta Dalxiiska ee ku taal Duleedka Magaalada Qardho ee Caasimada Gobolka Karkaar

Madaxweynaha oo Fasax gaaban iyo Arimo shaqo u tagay Magaalada Qardho ayaa Cashadii kadib wuxuu kulan gaara uu la qaatay Xubnaha kavtirsan labada Gole Puntland , sida ay Howlwadeenada Puntlandi.com ay xogta ku heleen waxaa kulankaan khaaska ahaa looga wada hadlay Arimo ay kamid yihiin Siyaasada Soomaaliya, Khilaafka Xukuumada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, Gurmadka loo fidinayo Shacabka Baledweyne oo uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay, waxaa kulanka la iskasoo qaadey oo kale Siyaasada Puntland.

Wararka kale ee Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in uu Madaxweynuhu uu wado qaban qaabada Shir looga hadlayo Arimaha Soomaaliya, kulankaasoo waxoogaa dib loo dhigay sababo la xiriira Fatahaada Wabiga awgeed.

Waxaa kaloo looga hadlay Warsaxaafadeed Qoraal ah oo Dowlada Puntland ay kasoo saari doonto Gurmadka Reer Baledweyne.

Kala soco Puntlandi.com Safarka Madaxweynaha.

Sawirada hoos ka daawo

Puntlandi.com
Qardho

<