Madaxweyne Axmed Madoobe oo isagoo qalabkiisa horey usii qaatay si deg deg ah ku booqdey goobo Wabigu kasoo fatahay

Dowlada Jubbaland ayaa ku guulaysatay iney ka hortagaan Fatahaad xoogan oo Wabigu Juba uu samayn lahaa kadib markii Wabiga uu kusoo fatahay qaybo kamida ah Deegaanada Jubbada hoose.

Shalay ayuu Wabigu bilaabay inuu keeno daad , isla maantana waxaa Goobaha cagihiisa kusoo maray Madaxweyne Axmed Madoobe, wuxuuna geeyey Qalab cagafcagafyo u badan iyo teendhooyin.

Madaxweynuhu wuxuu horay usii kaxaystay Ciidan iyo Kooxo xoog leh oo ka qayb qaata gurmadka.

Waxaa durba la bilaabay in la xiri Dhamaan togoga kasoo farcama wabiga, waana lagu guuleystay.

Biyo xoogan ayuu maanta Wabigu keeney kuwasoo sababi lahaa Daad qaada Dad iyo Duunyo hadii aan la xiri lahayn togoga.

Dowlada Jubbaland waxay ku waana qaadatay Fatahaada Wabiga Ee Baladweyne tasaana keentay in talaabo deg deg ah oo looga hortagayo Fatahaada Wabiga ay Qaadaan Jubbaland.

Isla maanta Waxay Shacabka ku nool Dergaanada sigtay ay bilaabeen In caruurta loo diro Iskuulka, Waxaana Dugsiyada booqdey Madaxweynaha.

Deegaan ka tirsan Gobolka Geedi ayuu Madaxweyne Axmed Madoobe u diray Wafdi si looga hortagaan Fatahaada Wabiga oo halkaasna looga cabsi qabo.

Sawirada hoos ka daawo

<