Karaash oo Safar uu Yurub ugu maqnaa soo gabagabeeyey

Madaxweyne Xigeenka Dowlada Puntland Mudane Axmed Cusmaan Karaash ayaa maanta Dalka dib ugusoo laabatay kadib safar uu kusoo kala bixiyey Qaarada Yurub.

Madaxweyne Xigeenka ayaa si diiran loogusoo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Garowe, halkasoo uu wakhti kooban kula hadlay Warfidiyeenka, wuxuuna kacwarbixiyey Safarkiisii.
Madaxweyne Xigeenka ayaa kamahad celiyey soo dhaweynta loo sameeyey wuxuu kaloo u mahad celiyey Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo Dhacabka Puntland kaalinta ay ka qaateen u kaalmeynta Shacabka Reer Baladweyne re Wabigu kusoo fatahay wuxuuna kabtacdiyeeyey Dadka ku geeriyoodey Baladweyne.

Wuxuu Madaxweyne Xigeenku sharaxaad ka bixiyey Safarkiisa meesha uu ka bilowday oo ahaa Turkiga wuxuuna yiri…

  • “Safarkaan ku tagnay Turkigu wuxuu ku yimid Barnaamijkii Maalgashiga ee Garawe lagu qabtay wuxuu ahaa asafar Guul ah, Waxaan la kulanay Dowlada Turkiga iyo Ganacsato.”

Hoos kadaawo Sawirada

<