Gurmadka Baledweyne—Xukuumada Federaalka oo hurdada ka kacday markii Saxaafada iyo Baraha Bulshada laga weeraray


Mudo laba Todobaad ah ayay ku dhowdahay tan iyo Markii Wabigu uusoo fatahmay oo waxyeelo nololeed iyo Mid Maal uu geystay, kumayaal Qoysna uu sameeyey nolol maalmeedkoodii.

Raysal wasaaruhu Dalka ayuu joogay, Madaxweynuhuna Dalkuu dhoofay oo Ruushku aadey xiligii Reer Baledweyne la daalaadhacayeen Daadadka iyo Dhaxanta, Midna kama uusan hadal.

Waxaa taas kasii daran Maalmahay ugu xumayd Fatahaada Wabiga waxay Xukuumadu Ciidamo iyo Lacag ay usii daabuleynayeen Dhuusamareeb oo aan kawada dharag sanahay waxa ka jira.

Saxaafada Soomaalida iyo Baraha Bulshada ayaa looga hadlay sababta Xukuumadu ay uga aaminsan tahay Xaalada Baledweyne, maalmo kadib ayay baraarugeen, Villa Soomaaliya oo meeshii laga sugayay Action waxay yiraahdeen Gudi baan u saaray Xaalada Baladweyne, waxay ku xijiyeen “Waxaan sameynay Maxkamad Wareegta oo La soconeysa Xaalada BaladWayne, waa yaab , Maxkamadu ma Wabigay Maxkamad saaraysaa,

Wali xiligaan la joogo wax Gurmad ah oo muuqda looma sameyn Reer Baladweyne, Madaxda Dalkana ma jiro mid is xilqaamey oo soo booqda goobahaas ay Shacabku ku haligmeen, Alow may tanoo kale ka dhacdo Dalalka Dariska, Farmaajo iyo Kheyre iyagaa ugu horeyn lahaa Cid ka tacsiyeysa ama Diyaarad sii raaca.

Meel hoo u baahan uma baahan Hadal, wuxuu maanta Farmaajo lasoo shir tagay Xildhibaanada iyo Wasiiradu mushaarkooda ha jareen Baledweyne, waa sheeko raqiis ah oo la isku xayaysiinayo, Qawda naqashii waxba ha u qaban, weeye.

Qurba joogta Iyo Soomaaliweyn waxaa laga codsanayaa gurmad Dag dag sh, Reer Baledweyne iyana waxaa laga rabaa iney deg deg u sameystaan Gudi u xilsaaran Gurmadka, Gudigaas waa inay ka fogaadaan Raga Villa Soomaaliya iyo Jowhar, Gudigaas waa iney hoos taagan Ugaaska iyo Isimada kale ee Gobolka

Farxaan Cabdiraxmaan
Ardey Reer Baledweyne ah
Oo wax ka barta Borane

<