Ahlu Suna oo Raysal wasaare Kheyre ku dacweysay Beesha Caalamka

Ururka Ahlu Suna ayaa maalmahaan waxay Xiisad kala dhaxaysay Dowlada Federaalka Xiisadaasoo qarka u saarayd in Xabad la isku adeegsado.

Waxaa hada muuqata in Ahlu Suna Ay xal u raadineyso Muranka iyo isqabqabsiga ku saabsan cida maamulaysa Doorashada Galmudug.

Sheikh Shhakir oo ah Madaxa Xukuumada Galmudug oo isla markaasna ah Ahlu Suna ayaa wuxuu waraaq Dacwo ah uu u qaybiyey Beesha Caalamka, Qoraalka uu diray Sheikhu wuxuu ku sheegay in Dowlada Federaalku ay si cad u jabisay Heshiiskii ay la gashay Ahka Suna iyo Galmudug, isla markaasna ay Ahlu Suna iyadoo fulinaysa Heshiiskii ay la gashay Dowlada Federaalka ay la kulantay handadaad iyo caga juglelyn iyo in wadadii lagu heshiiyey laga leexday.

Waxay kaloo Warqada ku muujiyeen in Raysal Wasaare Kheyre uu ka dambeeyo in heshiiska burburi isagoo doonaya inuu afduubo Doorashada.

Waxay kaloo Warqadaha ay direen ay ku lifaaqeen nuqul ka mid ah Heshiiskii ay wada Saxiixdeen Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Shku Suna.

Hoos ka eeg Sida heshiiska uu yahay

<