Dowlada Federaalka oo Axmed Madoobe ugu tagtay wadatashi ku Aaden Doorashada Soomaaliya ee 2020

Gudiga Doorashada ee BaarlamaankavFederaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay booqasho ku yimaadeen Kismaayo si ay Xukuumada Jubbaland ugala tashadaa qaabka Doorashada Dalka ee sanadkaan 2020.

Booqashadaan waxay muujineysaa in Axmed Madoobe uu geed isaga xiray Villa Soomaaliya oo horay dhowr jeer ugusoo celceliyey ineysan la shaqaynayn Maamulka Axmed Madoobe.

Waxay kaloo booqashadaan Muujineysaa in Baarlamaanka Federaalku uu aqbalay aqoonsan yahayna Doorashadii lagu doortey Madaxweyne Axmed Madoobe.

Wafdiga Baarlamaanka Federaalka waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland iyo Xildhibaanadiisa qaarkood.

Hoos ka daawo Sawirada

<